BAYDHABO [SMN] – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta tababbar usoo xiray dufcadii 9-aad ee Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed. Munaasabadda xiritaanka tababbarka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed.
Ciidanka loo soo xiray tababarka ayaa loogu diyaarshay inay ka qeyb qaataan hawlaha sifeynta kooxaha khawaarijta ah iyo xoojinta amniga ee ka socda Maamulka Koonfur Galbeed. Tababarkaan oo socday mudo muddo ah ayaa lagu diyaariyey in ciidamada ay si xirfadaysan ugu howlgalaan ilaalinta nabadgelyada iyo ka hortagga falalka argagixisada ee ku soo faafay deegaannada maamulka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS, Cabdisalam Cabdi Cali, oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababbarka ayaa si weyn u amaanay dadaallada ay madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku bixiyeen sugidda amniga deegaannada maamulka. Waxa uu tilmaamay in tababarka noocan oo kale ah uu qeyb weyn ka qaadan doono sidii loo xaqiijin lahaa nabad iyo xasilooni waarta oo ka dhex jirta gobolka.
“Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed waa muhiim u ah amniga iyo xasiloonida guud ee dalka. Waxay doorka muhiimka ah ka ciyaari doonaan sidii loo sugi lahaa ammaanka, loona wajahayo khataraha amni ee ka imaanaya kooxaha argagixisada,” ayuu yiri Cabdisalam Cabdi Cali.
Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo dowladda dhexe taageerada joogtada ah ee loo fidiyo ciidanka, isagoo sidoo kale ku adkeeyay in amniga gobolka loo baahan yahay in si wadajir ah loo xoojiyo.
Munaasabadda ayaa ku soo gabagabowday hambalyo iyo ammaan loo jeediyay ciidamada tababarka dhameystay iyo kuwa ku hawlan amniga guud ee gobolka.