MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo, oo dhex marta degmooyinka Warta-Nabadda, Boondheere ilaa Shibis.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Jibriil ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka ay tahay arrin lagama maarmaan u ah isku xirka bulshada iyo horumarka magaalada, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in waddo kasta oo la dhisayo loo sameeyo biyo mareen, si aysan u burburin marka roobabku da’aan.
“Waddo markii la dhiso waxaa lagama maarmaan ah in loo sameeyo goobo biyo mareen ah, haddii kale siima jireyso waddadaas. Guddoomiyaasha degmooyinka waxaan farayaa in ay tallaabo ka qaadaan dadka ku dheelaya nadaafadda waddooyinka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.
Sidoo kale, waxa uu ammaanay dadaalka maamulka gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah ee ka shaqeeya isku xirka degmooyinka caasimadda.
Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka, isla markaana ka qeyb qaataan nadaafadda iyo ilaalinta bilicda magaalada.
Mashruuca dhismaha waddada Nasiib Buundo ayaa lagu wadaa in uu wax ka beddelo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, gaar ahaan xilliyada roobka, waxaana uu qeyb ka yahay qorshaha Dowladda Federaalka ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.









