Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeybgaleen madax, ganacsato iyo daneeyayaal heer gobol iyo heer caalami ah.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowliga ah iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga. Wuxuu adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay dhiirrigelinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado maalgashi oo ballaaran, gaar ahaan dhinacyada dekadaha, beeraha iyo kalluumeysiga. Wuxuu ugu baaqay maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah iyo istiraatiijiyadda juqraafiyeed ee dalka.

Intii uu socday shirka, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madax iyo daneeyayaal kala duwan, si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale loona dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya dadaal ugu jirto kobcinta dhaqaalaha iyo soo celinta kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah.

May be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, newsroom, dais and textMay be an image of crowd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here