Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo La Kulmay Danjiraha Cusub ee UK

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King.

 

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Danjiraha uga warbixiyay guulaha dowladdu ka gaartay la-dagaallanka Khawaarijta, iyo dadaallada lagu hormarinayo hannaanka dimuqraadiyadda dalka, oo ay kamid tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, taasoo diiwaangelinteeda ay ka socoto qeybo ka mid ah dalka.

Danjiraha UK ee Soomaaliya, Mr. Nicholas King, ayaa dhankiisa muujiyay taageerada dalkiisu u hayo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhanka dowlad-dhiska, horumarinta amniga, iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

Wuxuu sidoo kale ammaanay shirarka wadatashiga ah ee u dhaxeeya dowladda, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah, kuwaasoo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here