Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada

0

Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Ingiriiska (UK).

 

Barnaamijkan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada daryeelka bulshada iyo taageerada qoysaska nugul, si loo dhiso bulsho adkaysi leh oo si wax ku ool ah uga jawaabi karta caqabadaha dhaqaale iyo bulsho ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay barnaamijkan mid door muhiim ah ka ciyaari doona yareynta saboolnimada, kor u qaadidda isku-filnaanshaha qoysaska, iyo dhiirrigelinta hormar waara.

Mudane Saalax ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashigan uu yahay tusaale wanaagsan oo muujinaya xiriirka dhow ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here