Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hay’adda Mercy Corps, kuwaas oo booqasho shaqo ku joogay dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha, cubto-yarida, iyo amniga, iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashi wax ku ool ah oo ka jawaaba baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ka jira.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Mercy Corps ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbedelka cimilada, gaar ahaan abaaraha soo noq-noqday ee saameeya nolosha xoola-dhaqatada iyo beeraleyda.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa hay’adda Mercy Corps ku boorriyay inay sii xoojiso taageerada ku wajahan diyaar-garowga iyo ka hortagga abaaraha, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo maalgelin dheeraad ah iyo qorsheyaal waara oo lagu kobcinayo hab-nololeedka bulshada, laguna ballaarinayo adeegyada maaliyadeed ee loo fidinayo qeybaha wax-soo-saarka sida xoolaha, beeraha, biyaha, iyo tamarta.





