Muqdisho, 05 February 2025: – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Azerbaijan, Mudane Yalchin Rafiyev.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga labada dal, si kor loogu qaado danaha wadajirka ah, loona xoojiyo iskaashiga horumarineed ee labada waddan.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka iyo Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, ayaa isla qaatay in la xoojiyo wadashaqeynta dhinacyada kala duwan, si loo abuuro iskaashi miro-dhal ah oo wax ku ool u ah labada dal.
—-Dhammaad—-