Belem, Brazil – 7 Nofeembar 2025: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada (COP30), kaas oo ka socda magaalada Belem ee dalka Brazil.
Mudane Saalax ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo caalami ah si loo yareeyo saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu nugul dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelkaas.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sheegay in dalka ay ku soo noqnoqdeen abaaro ba’an, inkasta oo Soomaaliya aysan qeyb weyn ku lahayn wasakhowga hawada ee sababaya isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, kuwaas oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), isagoo tilmaamay in qorshahani diiradda saarayo afar qodob oo waaweyn: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay iska kaashadaan wax ka qabashada iyo yareynta khasaaraha ay keento cimilada isbeddelaysa, si loo xaqiijiyo mustaqbal deegaan oo waara.




