Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyey qaar kamid ah golaha wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiiradda la isku bedelay ayaa kala ah Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Duraan Axmed Faarax oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada iyo Maxamed C/llahi Salaad Oomaar oo loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.