Ra’iisul Wasaare Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Qatar oo Lagaga Wadahadlay Xoojinta Iskaashiga

0

Muqdisho, 7 December 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada lagu wajahayo xaaladda abaaraha oo saameeyey 4.4 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed, iyo sidii loo sii ambo-qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Qatar ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha soo laab laabtay ee saameeyey dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Qatar ay weligeed u ahayd Soomaaliya saaxiib dhow oo ka jawaaba xaaladaha adag.

Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ka qeyb qaadaneysa ka jawaabidda xaaladaha bani’aadnimo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadaysaa wada shaqeynta ballaaran ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah iyo hay’adaha caalamiga ah si loo hubiyo in gurmadka iyo taageerada joogtada ah ay gaaraan bulshada ay abaartu saameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here