Muqdisho, Isniin, 8 Sebteembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjire Di Mauro ugu hambalyeeyay xilka cusub ee ay la wareegtay, wuxuuna tilmaamay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga joogtada ah ee Midowga Yurub iyo Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay Soomaaliya ku jirto marxalad xasaasi ah oo dib-u-dhis iyo amni lagu wajahayo.
Danjiraha cusub ee EU-da, Francesca Di Mauro, ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta ay kala kulantay, waxayna ballanqaadday in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, iyada oo la dardargelinayo barnaamijyada mudnaanta leh ee labada dhinac ay isla meel dhigeen.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya la leedahay beesha caalamka, si gaar ah saaxiibada istaraatiijiga ah sida Midowga Yurub oo door muuqda ku leh taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, adeegyada bulshada iyo dowlad-dhisidda.




