Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Bilaabay Hannaanka La-Xisaabtanka Golaha Wasiirrada

0

MUQDISHO :— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay hannaanka la-xisaabtanka Golaha Wasiirrada, kaasi oo lagu eegayo waxqabadka wasaaradaha ee sanadkii la soo dhaafay, iyadoo laga duulayo qorshayaasha mudnaanta u leh xukuumadda DanQaran, looguna gol leeyahay horumarinta tayada nolosha iyo fayo-qabka bulshada Soomaaliyeed.

 

Hannaankan isla-xisaabtanka ayaa lagu bilaabay wasaaradaha hoos yimaada Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha, kuwaas oo si faahfaahsan u soo bandhigay guulaha ay gaareen iyo qorshayaashooda mustaqbalka ee la xiriira kor u qaadista dhaqaalaha, isla markaana la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo ballanqaadyadii waxqabad ee ay horey ula saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha.

Wasaaraduhu waxay ku soo bandhigeen waxqabadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  • Kobaca dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam maaliyadeed oo casri ah;
  • Fududeynta ganacsiga iyo dhiirrigelinta warshadaha maxalliga ah;
  • Qorsheynta maalgashiyo caalami ah iyo kor u qaadista wax-soosaarka;
  • Horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo nidaamyada waraabka;
  • Ilaalinta iyo maaraynta kheyraadka badda Soomaaliyeed;
  • Dib-u-dhiska iyo casriyeynta kaabeyaasha dhaqaalaha sida dekedaha, waddooyinka, iyo garoomada;
  • Shaqo-abuur loogu talagalay dhalinyarada iyo bulshada nugul.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wasaaradaha su’aalo ka weydiiyey qorshayaashooda iyo sida ay uga miro-dhaliyeen ballan-qaadyadii ay horey u galeen, isagoo ku adkeeyey in la dardargeliyo dadaalka si kor loogu qaado isla-xisaabtanka, waxna loogu qabto shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in la xisaabtamayo wasaarad walba, si dadweynaha loola wadaago horumarka la gaaray.

Muddo saddex sano ah oo ay jirto xukuumadda DanQaran, waxay xaqiijisay horumar la taaban karo oo ay ka mid yihiin kobac dhaqaale, adkeynta amniga, midnimada dalka, iyo dhisidda dowlad u dhow shacabka.

May be an image of 6 people, suit, dais and textMay be an image of 5 people, people studying, suit and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people, suit and textMay be an image of 5 people, suit and textMay be an image of 4 people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here