Laascaanood – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Laascaanood, oo ah xarunta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo waxaa garoonka diyaaradaha Laascaanood si diirran ugu soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedka, odayaal dhaqameed, waxgarad, iyo boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada.
Ujeeddada booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriirta ka qeyb galka Xafladda Caleema saarka maxadxweynaha maamulka waqooyi bari soomaaliya Cabdiqaadir Aw-cali firdhiye oo waqtiyadda dhow la filayo inney ka qabsoonta magaaladda laascanood ee xarunta maamulka waqooyi bari soomaaliya.
Inta uu ku sugan yahay Laascaanood, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta maamulka, qeybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana uu daah-furo mashaariic horumarineed oo ay dowladda federaalku ka hirgelinayso deegaanka.
Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa midnimada, wadajirka, iyo dadaallada lagu dhisayo dowladnimo loo dhan yahay.





