Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa habka fogaan-aragga uga qeybgalay Shir-madaxeedka Meertada 61-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, halkaas oo uu ka jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto xoojinta horumarka laga gaaray ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, isla markaana ay ka shaqeyn doonto wax ka qabashada caqabadaha weli taagan. Wuxuu xusay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha sharciga, cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa muujiyay walaac iyo murugo ku aaddan xadgudubyada ka dhacaya dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, isagoo sheegay in xaaladdaasi ay abuureyso murugo iyo walaac qoto dheer oo saameyn ku leh bulshada caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay la shaqeyso beesha caalamka si loo xaqiijiyo nabad, cadaalad iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, isaga oo xusay in wada-shaqeynta caalamiga ahi ay lama huraan u tahay horumar waara.




