Yinchuan, Shiinaha – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Yinchuan ee dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb galayo Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, kaas oo lagu wado in diiradda lagu saaro xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda iyo tamarta u dhexeeya Shiinaha iyo wadamada Carabta.
Shirkan, oo ah mid heer caalami ah, ayaa lagu casuumay madax kala duwan oo ka kala socda dowladaha Carabta, waxaana Ra’iisul Wasaare Xamsa la filayaa inuu khudbad muhiim ah ka jeediyo, taas oo uu kaga hadli doono fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, kheyraadka dabiiciga ah, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale carabka ku adkeyn doonaa muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo ku boorin doona maalqabeennada iyo shirkadaha Shiinaha in ay si toos ah ugu soo biiraan fursadaha maalgashi ee dalka, si ay uga faa’iideystaan bulshada Soomaaliyeed.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Shiinaha ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo xiriirka ganacsi iyo iskaashi ee ay la leedahay dalalka caalamka, iyada oo ahmiyad gaar ah la siinayo helidda maalgeshi dibadeed oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.








