Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

0

Muqdisho, Luulyo 30, 2025 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Mouktar Ousman Karie.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka uga mahadceliyey madaxda AUSSOM doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin sugidda amniga iyo xasilinta dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay horumarka laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah.

Mudane Xamsa ayaa sidoo kale Danjiraha la wadaagay xog ku saabsan hawlgallada socda ee lagula dagaallamayo argagixisada, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’an ku tahay in la xoojiyo dadaallada amni, iyadoo ay barbar taagan yihiin ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene oo dhawaan loo magacaabay xilkan ayaa isna dhankiisa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta diirran, wuxuuna ammaanay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay sugidda amniga iyo dib-u-dhiska dalka.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay in Midowga Afrika ay si buuxda u garab taagan yihiin hirgelinta Qorshaha Kala-guurka (Somali Transition Plan), kaasoo dhigaya in ciidamada Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka marka la gaaro marxaladihii la qorsheeyay.

Kulankan ayaa qeyb ka ah iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, si loo dardargeliyo nabadda, xasiloonida, iyo la dagaalanka argagixisada ee ka jira dalka.

May be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 3 people and suitMay be an image of 4 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here