MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar rasmi ah ugu ambabaxay dalka Shiinaha, si uu uga qayb galo Shirka 7aad ee China-Arab States Expo oo ka dhacaya magaalada Yinchuan.
Shirkan ayaa ah madal heer caalami ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda, iyo tamarta u dhexeeya Shiinaha iyo waddamada Carabta.
Soomaaliya ayaa fursad u haysata inay shirkan ka faa’iidaysato si ay u hormariso xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhaxeeya Shiinaha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Shiinaha iyo shirkado waaweyn oo caalami ah, isagoo xoojin doona dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay kusoo jiidato maalgashi shisheeye iyo iskaashi farsamo.




