TANGIER, Morooko – 30 Nofeembar 2025: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay kulankii xiritaanka ee Madasha Caalamiga ah ee MEDays ee ka dhacay Boqortooyada Morooko, isagoo madaxda ka soo qeyb gashay shirka la wadaagay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo iskaashiga dalalka dhaca Daanta Koonfureed ee dunida (Global South).
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya “qoreyso bog cusub oo taariikheed,” isla markaana dib u soo ceshatay magaceedii iyo mansabkii ay dunida ku lahayd. Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya maanta tahay meel xasilloonideeda amni iyo siyaasadeedba la isku haleyn karo, dib-u-qaabeyn iyo dib-u-dhis wanaagsana uu ka socdo, isla markaana diyaar u tahay inay kaalin weyn ka geysato degenaanshaha gobolka iyo dunida guud ahaan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii hadlayay ayaa yiri: “Halkan uma aanan iman anaga oo raadinayna samofal, ee waxaan nimid anaga doonayna iskaashi, diyaarna la ah in aan aragtiyo biirinno iyo wax-isweeydaarsi, islamarkaasna qeyb ka ah xalka.”
Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in Afrika aysan sii ahaan karin daawade arrimaha adduunka, balse ay tahay mid qeyb ka ah dejinta qorsheyaasha mustaqbalka.
Isu-imaatinka Madasha MEDays oo socday muddo afar cisho ah ayaa soo gabagaboobay, iyadoo Soomaaliya sanadkan ku lahayd kaalin hormuud ah, halkaas oo laga soo guntay xiriiro noocyo badan oo waxtar u leh danaha dhow iyo kuwa fog ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.



