Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, kaasoo beddelaya xaruntii hore ee la dhisay 1980. Dhismahan casriga ah ayaa loogu talagalay in uu daboolo baahiyaha shaqo ee wasaaradda, isla markaana fududeeyo howlaha maaliyadeed ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tallaabadani ay qeyb ka tahay siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah, isaga oo bogaadiyay dadaalka Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, iyo shaqaalaha wasaaradda ee ku aaddan casriyeynta kaabeyaasha dakhliga. Dhismaha cusub ayaa yeelan doona xafiisyo casri ah, badqab degaan, tamar waarta, iyo koronto joogto ah, waxaana ka qeyb qaadanaya Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB).
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dhismahani uu si weyn u fududeyn doono howlaha wasaaradda, yareyn doono ciriiriga xafiisyada, isla markaana kor u qaadi doono tayada adeegga bulshada Soomaaliyeed.





