Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay Marwo Maryan Cali Abuukar inay noqoto Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in go’aanka uu ku saleysan yahay khibradda, waayo-aragnimada iyo dadaalka ay muujisay Marwo Maryan, iyadoo xilkan cusub lagu aaminay si ay gacan uga geysato xoojinta siyaasadaha dowladda ee la xiriira horumarinta xuquuqda aadanaha iyo taageerada qoysaska Soomaaliyeed.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in magacaabistan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hoggaanka iyo waxtarka hay’adaha dowladda, si loo dardar-geliyo adeegyada bulshada ee ay wasaaraddu qabato.

Marwo Maryan Cali Abuukar ayaa la filayaa inay si degdeg ah u bilowdo shaqadeeda, iyadoo ka howlgalaysa xoojinta xuquuqda haweenka, carruurta, iyo qoysaska nugul ee Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here