Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Muqdisho ku qaabilay Madaxweynaha IRC David Miliband

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Caalamiga ah ee Samafalka International Rescue Committee (IRC), David Miliband, oo booqasho shaqo ku yimid dalka.

 

Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga bani’aadannimo, gaar ahaan sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta ba’an ee ka jirta qaybo badan oo dalka ah.

Labada dhinac ayaa isla qiray in ku dhowaad 4.4 milyan oo muwaadiniin ah ay wajahayaan xaalad adag oo u baahan gargaar degdeg ah, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu muujiyay welwelka dowladda ee ku aaddan baahida sii kordhaysa ee bulshada.

David Miliband ayaa ammaanay Dowladda Soomaaliya iyo dadaallada ay ku bixinayso ka jawaabista xaaladda bini’aadannimo. Wuxuu ballan qaaday in IRC ay kordhin doonto kaalmooyinka degdegga ah, isla markaana ay sii wadi doonaan mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan dalka. Miliband ayaa intaa ku daray inuu Beesha Caalamka u gudbin doono baahiyaha Soomaaliya, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda taageerada joogtada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa boggaadiyay IRC iyo hoggaankeedaba, isaga oo ku dhiirrigeliyay in taageeradooda lagu saleeyo xal waara oo ka caawiya dadka Soomaaliyeed inay gaaraan isku filnaansho mustaqbalka dhow. Wuxuu xusay in xukuumaddu ay diyaar u tahay in ay caalamka kala shaqeyso qorsheyaal waxtar leh oo wax ka qabta baahiyaha muddada fog.

Intii kulanka lagu guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadyado sharafeed guddoonsiiyay David Miliband oo hore u soo noqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska, haatanna ka mid ah madaxda samafalka caalamiga ugu saameynta badan. Wuxuu uga mahadceliyay waqtiga uu u huray booqashada Soomaaliya, xilli ay muhiimad gaar ah leedahay.

Kulankan ayaa imanaya iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamsa uu sii wado dadaallada isku xirka hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah si loo dardargeliyo ka jawaabista xaaladda abaarta ee weli saameynta xooggan ku leh dalka.

May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of textMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here