Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bini’aadannimada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.
Shiinaha ayaa muddooyinkii dambe si weyn u xoojiyay xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, iyadoo si firfircoon uga qeyb qaadanaya gurmadka abaaraha iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee saameeyay qaybo badan oo dalka ka mid ah.
Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa muujiyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay inay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga laba geesoodka ah, isagoo xusay in wada-shaqeynta labada Jamhuuriyadood ay muhiim u tahay horumarka, xasilloonida, iyo barwaaqada gobolka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, si loo dardargeliyo dib u dhiska iyo horumarka dalka.




