Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qaabilay Safiirka Qatar

0

MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta heshiisyadii iskaashi ee dhowaan ay wada saxiixdeen labada dal, gaar ahaan kuwa la xiriira difaaca iyo horumarinta bulshada.

Dhankiisa, Danjire Dr. Cabdullaahi ayaa caddeeyey in dowladda Qatar ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey horumarka laga gaaray dhinacyada amniga, xasillinta iyo dib u dhiska dalka.

May be an image of dais and textMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here