Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in Qiimeyn Lagu Sameynayo Waxqabadka Xukuumadda

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay si rasmi ah u daah-furay isla xisaabtan iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo waxqabadka Xukuumadda DanQaran tan iyo markii ay xilka haysay muddo saddex sano ah, iyada oo qiimeyntani lagu saleynayo qorshihii xukuumaddu la wadaagtay shacabka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isla xisaabtanka uu muujinayo ballanqaadkii dowlad wanaagga, isla markaana ay muhiim u tahay fahamka dhabta ah ee heerka waxqabad ee xukuumaddiisa.

Wuxuu xusay in saddexdii sano ee la soo dhaafay la xaqiijiyay horumar muuqda oo la taaban karo oo dhinacyo badan ah.

“Waxaan rabnaa in aan iskula xisaabtanno wixii ka hirgalay qorsheyaashii aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagnay, caqabadaha yimid iyo waxa inala gudboon. Saddex sano ayaan soo dhammaynay, waxaan galnay sanadkii afaraad. Waxaan hubaa in dalka laga qabtay shaqooyin waaweyn oo muuqda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wuxuu intaa ku daray in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay hirgelinta barnaamijyo muhiim ah oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, sugidda amniga, dib u xoreynta deegaannada, horumarinta cadaaladda iyo garsoorka, dhaqaale isku filnaan ah, iyo yoolka ah in la gaaro Soomaali heshiis ah iyo mid dunida la heshiisa.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu shacabka la wadaagay sida ay xukuumaddu uga go’an tahay inay sii waddo hannaanka isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta, taasoo ah saldhig u ah dowladnimo hufan oo ku dhisan kalsoonida shacabka.

Qiimeyntan ayaa la filayaa inay noqoto mid horseedda dib-u-eegis iyo darisayn lagu sameeyo qorshayaasha socda, si loo xoojiyo guulihii la gaaray loona saxo meelaha ay caqabaduhu ka jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here