Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray SOMCIRT, oo ah Xarunta Qaran ee ka Jawaabista Xaaladaha Degdegga ah ee Amniga Saaybarka, taas oo loo diyaariyey ka jawaabista khataraha iyo weerarada ka dhanka ah amniga isgaarsiinta dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in daahfurka xaruntan uu muhiimad weyn u leeyahay amniga qaranka, maadaama dunidu ay si xawli ah ugu jihaysatay dhanka tiknoolojiyadda, isla markaana ay sii kordhayaan falalka amniga liddi ku ah ee ka dhaca dhinaca isgaarsiinta iyo internet-ka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in xaruntan ay door weyn ka qaadan doonto ilaalinta macluumaadka hay’adaha dowladda iyo kan guud ee dalka, iyadoo si degdeg ah uga jawaabi doonta weerarada saaybarka iyo dhacdooyinka la xiriira amniga tiknoolojiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale guul ku tilmaamay hirgelinta xaruntan, taas oo qaabilsan isku-duwidda iyo ka jawaabidda weerarada saaybarka, diiwaangelinta iyo soo gudbinta dhacdooyinka amni ee la xiriira tiknoolojiyadda, iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan khataraha dhanka isgaarsiinta iyo internet-ka.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay wado qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo tiknoolojiyadda dalka, kadib markii Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ay soo jeediyeen in la hirgeliyo xaruntan muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in SOMCIRT ay shaqo muhiim ah ka qaban doonto xaqiijinta amniga saaybarka, isla markaana ay dhiirrigelin doonto horumarinta kaabeyaasha dijitaalka ah ee qaranka, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo dowlad casri ah oo ku dhisan tiknoolojiyad iyo adeegyo dijitaal ah.

May be an image of newsroom and the Oval OfficeMay be an image of one or more people, suit and wrist watch

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here