MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya ku metali doona Baarlamaanka Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo doorashadoodu dhacday shalay.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Xildhibaannada ku bogaadiyay mas’uuliyadda culus ee ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu matalaan danahooda ku aaddan wax-wada-qabsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka.
“Doorashadiinnu waa guul weyn oo Soomaaliya u ah, waana muujinaysaa doorka sii kordhaya ee uu dalkeenna ka ciyaarayo ururrada iyo siyaasadda gobolka Bariga Afrika,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku dhiirrigeliyay xildhibaannada in ay si firfircoon uga shaqeeyaan horumarinta codka Soomaaliya ee EAC, difaaca danaha dalka, iyo xoojinta xiriirka, mideynta iyo horumarka guud ee gobolka.




