Ra’iisul wasaare Xamse oo maanta kusii jeeda magaalada Baydhabo + Qorshaha

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo, si uu u qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Villa Somalia iyo Koofur Galbeed.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse uu ku qancin doono Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, si uu u tago Muqdisho, loona ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed.

Sida ay Shabelle ogaatay si loo dajiyo xiisadda cusub ee KGS iyo Federaalka kasoo cusboonaatay ayaa Madaxwayne Hasan wuxuu codsaday in Ra’iisul wasaaraha gaaro Baydhabo, si uu bilaabo dadaallo dhex dhexaadin ah.

Koonfur Galbeed ayaa si wayn uga hortimid qorshaha dowladda federaalka, waxaana taasi beddelkeeda ay taageertay in ciidanka Itoobiya ay sii joogaan gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here