Ra’iisul Wasaare Xamse oo Muqdisho ku qaabilay wefti ka socda Baarlamaanka Nabadda Adduunka

0

MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Baarlamaanka Nabadda iyo Iscafinta Adduunka, oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’addaasi, Axmed Bin Maxamed Al-Jarwaan.

 

Kulanka ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray farriimo ku saabsan muhiimadda nabadda, iscafinta iyo wada-noolaanshaha, iyadoo waftigu uu Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay ujeedada socdaalkooda oo ahayd in la dhiso hannaan is-afgarad iyo heshiis wadajir ah oo ay wada saxiixdaan Baarlamaanka Nabadda Adduunka iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay booqashada waftiga, isagoo ku nuuxnuuxsaday in siyaasadda dowladda ay ku dhisan tahay mabda’a “Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.” Wuxuu xusay in xukuumadda Dan Qaran ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda gudaha, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dhismaha kalsoonida hay’adaha dowladda.

Waftiga la kulmay Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ahaa xildhibaano ka socda Baarlamaanka dalka Jabuuti, oo ay kamid yihiin Mudane Cilmi Maxabah Wala iyo Mudane Cabdoow Kaamil Maxamed, kuwaas oo ay wehliyeen xildhibaano kale iyo masuuliyiin hore oo Soomaaliyeed.

Gebagebadii kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda Adduunka, Axmed Bin Maxamed Al-Jarwaan, guddoonsiiyay hadyad gaar ah oo ah sawir neef geel ah—astaanta dhaqanka, adkaysiga iyo hoddantinimada shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here