R/W Xamza Cabdi Barre oo hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hamblayeeyey 21 Nofeembar Maalinta Macalinka Soomaaliyeed iyaga iyo qoysaskooda,.

 

Xamza ayaa tilmaamay in Macalimiinta Soomaaliyeed ay u soo dhabar adaygeen xaalado adag oo ay ku badbaadiyeen jiilal dhan oo iyaga la’aantood maanta aan waxba baran lahayn.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siinayso tayeynta Macalimiinta iyo Aqoonta Ubadka Soomaaliyeed, sidaa awgeed billawgii Xukuumadda  DanQaran ay qaadatay saddex kun oo macalimiin cusub ah, kuwaasi oo ka hawlgala guud ahaan gobodallada dalka, iyadoo sannadka cusub ee 2024ka ay diyaarisay miisaaniyadda saddex kun oo macalin oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here