Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo magacaabis sameeyay (Akhriso)

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta sameeyay magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray.

 

Xamza ayaa u magacaabay La-taliyaha Sare, ahna Xiriiriyaha Guud ee Horumarinta Karaanka Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dr Hodan Cismaan Cabdi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sameeyay magacaabistan kadib markuu arkay kartida, aqoonta iyo waaya-aragnimada Marwo Hodan, isla markaana uu Tixgaliyay baahida loo qabo in la hormariyo awoodda iyo karaanka bulshada, taasi oo qayb ka qorshaha Xukuumadda DanQaran.

Hodan Cusmaan ayaa horay uga tirsaneyd howlwadeenada xafiiska raiisul wasaaraha, waxayna sidoo kale aheyd la-taliyaha dhanka xiriirka caalamiga ah ee Xamza Cabdi Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here