Ra’iisul wasaare Xamza oo booqasho ugu tegay qoyska Prof Jawaari + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booqday hoyga ay ka daggan yihiin magaalada Muqdisho qoyska Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, si uu ula qeybsado geerida, una saxiixo buugga tacsida marxuumka oo halkaas ka furan.

 

“Prof. Jawaari waxuu ka baxay Qaranka iyo umadda Soomaaliyeed dhammaanteed, halgankiisii dheeraa ee uu u soo maray dowlad dhiska Soomaaliya waa mid lama ilaawaan ah, Ilaahay naxariistiisa janno ha ka waraabiyo, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed-na samir iyo iimaan ha ka siiyo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoyska marxuumka la wadaagay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay si siman u dareemeen geerida marxuumka, taas oo muujinaysa kaalintii uu ugu fadhiyey intii uu noolaa Prof. Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here