Ra’iisul wasaare Xamza oo ka hadlay weerarkii Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Tanzania ayaa ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Isniintii lagu qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehellada askartii ku geeriyootay weerarkaasi, isaga oo kuwa dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarkan uu yahay mid fuleynimo ah, isla-markaana ay ka xun tahay dowladda Soomaaliya.

Xamza, sooma hadal qaadin tallaabada ay qaadeyso xukuumaddiisa, maadaama uu tuhun xoogleh ka dhashay in la fududeeyay weerarkaas oo lagu beesaday xero muhiim ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo lagu dilay ugu yaraan 25 askari, halka lagu dhaawacay in ka badan 60 kale oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here