Ra’iisul wasaare Xamza oo kulamo ka wada dalka Mareykanka + Sawirro

0

NEW YORK (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa  magaalada New York kulan kula yeeshay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield.

 

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xamza ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo uu u tegay magaalada New York.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here