MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane, Xasan Maxamed Cali Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaarahu u magacaabay Wasaaradda Waxbarashada afar Agaasimayaal Guud, kuwaas oo kala ah:
1-Dr Cabdullaahi Cabdi Cumar,
Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta .
2-Maxamed Xasan Mukhtaar, Agaasimaha Guud ee Horumarinta Waxbarashada Farsamada Gacanta & Xirfadaha.
3-Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare iyo Hiddaha.
4-Xabiibo Cali Maxamed, Agaasimaha Guud ee Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray mas’uuliyiintan in ay si hufan u gutaan waajibaadka xilalka loo igmaday.