Ra’iisul wasaare Xamza oo u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Seoul oo ay uga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, oo qabsoomaya 4 – 5 Juun.

 

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farhan Jimale oo faah faahiyay safarka Ra’iisul Wasaaraha,waxa u shegay in
Ra’iisul wasaraha oo Jamhuuriyadda Kuuriya gaar ahaan Caasimada Seoul  uga kaga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika, oo qabsoomaya 4 -ilaa 5-Juun.

Afhayeenku waxa uu sheegay in shirkaa looga hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeyo dalalka qaarada Afrika iyo jamhuuriyadda kuuriya,waxana ka qeyb gali doono shirka madax ka socoto waddamada Afrika iyo Bangiga Hormarinta Afrika.

Waxaa sidoo kale lagu eegi doonaa sidii iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Ganacsiga,Hormarinta kabayaasha dhaqaalaha dalalka qaarada Afrika,isbadalka cimilada ay ku yeelatay qaarada Afrika iyo arima kale.

Ra’iisul WaWasae Xamsa  Cabdi Barre ayaa khudba ka jeedin doono shirka uu kaga hahadli doono hormarada aay sameeysay xukuumadda Soomaaliya oo la xariira dhinacyada Amniga,hormarinta dhaqaalaha iyo dhanka Arimaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here