MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay, dalka Tanzania.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waddanka Tanzania uga qayb-galayo shir madaxeed muhiim ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa ahmiyadda ay qaaradda Afrika u leedahay taabbagelinta awoodda dadweynaha, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaraddu hiigsaneyso ayaa mudnaan gaar ah u leh Xukuumadda Dan Qaran ee ku aadden horumarinta bulshada, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan go’aamo dhaxalgal ah.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo duceedyo la yeelan doono madaxda kala duwan ee ka qayb-galeyso shirweynahaasi.