Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Rooble oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 64 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Rooble ayaa baaq midnimo ah u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, si looga gudbo marxaladaha adag ee uu haatan ku jiro dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Hambalyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 64 sano guurada xornimadii gobollada Koonfureed ee dalkeenna, Israacii iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa xusid, ammaan iyo ku dayasho mudan halgameyaashii horseeday xornimada aan ku naallooneyno.

64 sano ka dib, waxaa dalkeenna ku gadaaman caqabado dibad iyo gudaba leh oo khatar ku ah madax bannaanideenna, taas oo nooga baahan in aan shacab iyo dowladba isu kaashanno sidii aan uga gaashaaman lahayn.

Midnimo, walaalnimo iyo isku duubni ayaan kaga gudbi karnaa marxaladaha adag, kuna xajisan karnaa qarannimadeenna.

Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya Soomaalibaa leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here