Ra’iisul wasaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Mareykanka + Qorshaha

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qayb-galayo Kalfadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

 

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here