Rasaas xoogan oo xalay laga maqlay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya rasaas xoogan oo xalay laga maqlay aagga madaxtooyada Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

 

Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin Booliska Soomaaliya ayaa hal mar rasaas kor u riday, iyaga oo sheegay inay u dabaal-dagayaan sanad guurada maamul aan weli aqoonsi helin oo lagu magacaabo Hiiraan State.

Ku dhowaad 15 daqiiqo oo xariir ah ayaa rasaasta toos looga maqlayay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta madaxtooyada, waxaana arrintaas cabsi ay ku beertay dadka deegaanka.

Tallaabo la xiriirta arrintan ayaa waxaa qaaday taliska Booliska Soomaaliya oo haatan wada baari ku aadan dhacdadaasi, si loo qabto askartii ka dambeysay falkaasi.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa u mamnuucday in xilliyada dabaal-dagga aan la ridi karin rasaas, si looga baaqsado khasaare soo gaara shacabka amaba in la cabsi geliyo,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here