MUQDISHO – Xilliga roobabka Dayrta ayaa si rasmi ah uga curtay qaybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi ee Soomaaliya, iyadoo roobabkaasi ay saameyn xooggan ku yeesheen deegannadii uu ka da’ay, isla markaana ay dhibaatooyin kala duwan ka dhasheen.
Qaar kamid ah waddooyinka waa weyn ayaa gebi ahaanba go’ay, sida wadada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, taasoo si weyn u saameysay isu socodka gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga. Maamulka Somaliland oo horey uga hadlay roobabka da’aya ayaa horay uga digay in roobab xooggan ay sababi karaan daadad iyo burbur hantiyeed.
Dhanka kale, deegaanada Puntland oo kamid ah meelaha ay roobabku ka da’ayaan ayaa la soo saaray digniino si toos ah loogu wajahayo shacabka ku dhaqan halkaas.
Qoraal rasmi ah oo ay soo saareen Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Ilaalada Waddooyinka, ayaa shacabka lagu wargeliyay halista safarrada waddooyinka waaweyn ee xilligan roobku socdo.
Qoraalka Booliska Puntland wuxuu u qornaa sidan:
“Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Ilaalada Waddooyinka, ayaa shacabka ku wargelinaya khataraha safarka waddooyinka waaweyn xilligan oo uu bilowday roobka Dayrta.
Waxaa si gaar ah looga digayaa meelaha ay ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka, maadaama biyaha roobku halis ku yihiin darawallada, rakaabka iyo hantida.”
Shacabka waxaa lagu booriyay qodobbadan:
- In darawalladu ka taxadaraan gudbista togagga iyo buundooyinka ay biyuhu ka buuxaan.
- In dadka degan meelaha u dhow togagga iyo biyo-mareennada ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, isla markaana ilaaliyaan waayeelka, carruurta iyo xoolaha.
- In shacabka ay raacaan tilmaamaha ay bixiyaan ciidamada booliska ee ku sugan waddooyinka.
Digniintan ayaa qeyb ka ah dadaallada Booliska Puntland ee lagu xaqiijinayo badbaadada bulshada iyo ilaalinta hantida dadweynaha, xilli cabsidu ay jirto in roobabka sii socda ay sababi karaan fatahaado iyo khasaaro naf iyo maalba leh.




