Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.
Rooble oo is-dul taagay dhaawacyada ayaa dhakhaatiirta ka dhageystay warbixin la xiriirta dhaawacyada, isaga oo u rajeeyay caafimaad deg deg ah.
Sidoo kale waxa uu uga mahad-celiyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaankooda.






