Rooble oo Cambaareeyay Fal Arxan-darro ah oo ka dhacay Suuqa Siinay

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Husein Roble, ayaa si kulul u cambaareeyay falka arxan darrada ah ee maanta lagula kacay Axmed Siicow iyo muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed, kaasi oo ka dhacay suuqa Degaanka Siinay.

 

Roble ayaa ku tilmaamay falkaasi mid aad uga fog bini’aadannimada, isla markaana si toos ah ugu xadgudbaya diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

“Ficillada noocan oo kale ah waa kuwo ka baxsan Bini’aadanimada, kana hor imaanaya Diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Roble.

Waxa uu si cad u faray Dowladda Federaalka Soomaaliya in ciidanka falkan geystay lala xisaabtamo, loona horkeeno sharciga, si caddaalad loo helo loona ilaaliyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

“Karaamada iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed laguma xadgudbi karo,” ayuu hadalkiisa ku adkeeyay Mohamed Husein Roble.

—DHAMMAAD—

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here