MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho, isagoo eedeymo u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Madaxweyne Xasan wuxuu yiri Farmaajo hadduu Xoog ku heystay dalka anigoo Muqdisho kasoo jeedana waan ku heysan karaa”.
Madaxtooyadda Villa Somalia wali kama jawaabin eedeymo Maxamed Xuseen Rooble, oo kusoo aadaya xili khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay arrimaha doorashadda iyo dastuurka.



