CAPE TOWN [SMN] – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa khubad u jeediyay Soomaalida ku nool dalka South Africa, taasoo arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashada uga hadlay.
“Walaalkey Farmaajo markuu i magacaabay waxaan la kulmay beeshayda, waxay igu dhaheen kursigaan Ra’iisulwasaaraha 12-sano ayaan raadinaynay oo xitaa caruur ay nooga dhinteen balse adiga halmar ayuu alle cirka kasoo tuuray ee sidee wax u jiraan,” ayuu yiri RW hore Maxamed Xuseen Rooble.




