Muqdisho – Ra’iisulwasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka hadlay xildhibaano lagu eedeeyay in laga hor istaagay safar wadatashi ah oo ay ku tagi lahaayeen magaalada Garoowe ee dowlad-goboleedka Puntland.
Rooble ayaa sheegay in ay booqasho iyo garab istaag ugu tageen xildhibaanadaasi, isagoo ku tilmaamay tallaabada lagu hor istaagay mid halis gelin karta midnimada iyo xasilloonida dalka.
“Waxaan booqasho iyo garab istaag ugu tagnay xildhibaanada laga hor istaagay safarkoodii wadatashiga ahaa oo ay ku tagi lahaayeen deegaan doorashadooda Garoowe, Puntland,” ayuu yiri Rooble.
Wuxuu intaas ku daray in ficilkaasi uu yahay mid guracan oo xadgudub ku ah xasaanadda xildhibaanada, isla markaana si toos ah uga hor imanaya xuquuqda muwaadiniinta iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Ra’iisulwasaarihii hore ayaa ugu baaqay madaxda dowladda inay mudnaanta siiyaan gurmadka degdegga ah ee shacabka ay saameeyeen abaaraha, islamarkaana dhaqaalaha lagu bixinaayo ansixinta dastuurka ee aan heshiiska lagu aheyn loo weeciyo taageeridda dadka danyarta ah.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay taagan tahay dood siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha dastuurka iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira qeybo ka mid ah dalka.





