R/W Rooble oo xalay kulan la qaatay madax goboleedyada dalka

0

Muqdisho (SMN) – Raโ€™iisul Wasaaraha XFS ayaa caawa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda,

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.

Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here