Rooble oo saxiixay buugga tacsida Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tegay guriga ay taallo tacsida Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, wuxuuna saxiixay buugga tacsida ee marxuumka.

 

Warsaxaafeed uu soo saaray Roobe ayaa u qornaa sidatan;-

“BISMILLAHI
Waxaan markale Allaah (swt) uga baryayaa in uu u naxariisto Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade.

Aad ayaan ugu mahad celinayaa Wasiirada, Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee igu wehliyay saxiixa Buugga tacsida.

Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa ehelka, Qooyska, Raysalwasaarihii Hore Md Xasan Cali Khayre, Xildhibaanada, masuuliyiinta iyo waxgaradka nagu soo dhaweeyay gogosha saxiixa Buugga tacsida Marxuumka.

*Innaa lilaah wa innaa ileeyhi raajicuun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here