Ruushka oo cambaareeyay tallaabada Israel ku aqoonsatay Somaliland

0
Russian President Vladimir Putin meets with journalists to comment on new U.S. sanctions targeting two major Russia's oil producers, as well as other international issues, in Moscow, Russia, October 23, 2025. Sputnik/Vyacheslav Prokofyev/Pool via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY.

NEW YORK – Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay si cad oo rasmi ah u garab taagantahay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo carrabka ku adkaysay in Soomaaliya tahay dal leh qaranimo buuxda iyo xuduudo caalami ah oo la aqoonsanyahay.

 

Hadalkan ayaa Dowladda Ruushka ka jeedisay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM), ka dib markii ay hadallo jeediyeen danjireyaasha Soomaaliya iyo Isrll, iyo sidoo kale dalal kale oo muujiyay mowqifyadooda ku aaddan xaaladda ka taagan madaxbannaanida Soomaaliya.

Ruushka ayaa si cad u muujiyay diidmadeeda tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qaranimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo ku adkaysay inaan la aqbali karin faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalka.

Sidoo kale, Dowladda Ruushka ayaa ku biirtay dalalka kale ee Golaha Ammaanka ku muujiyay in ay lama taabtaan tahay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay waajib tahay in la ixtiraamo shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah ee quseeya dowladnimada.

Ugu dambayn, Ruushka ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay qaataan mowqif midaysan oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here