Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad kasta laga xuso caalamka, isagoo si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo amniga dalka.
Saalax oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta halganka lagu ciribtirayo cadowga dalka, isla markaana ay yihiin tiirka rajada iyo iftiinka mustaqbalka Soomaaliya.
“Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed. Waxaa lagama maarmaan ah in la helo deegaan amni ah si fursadaha horumarineed loogu furo dhallinyarada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siineyso horumarinta dhallinyarada, isagoo tilmaamay in qorshayaal cad-cad laga leeyahay sidii dhallinyaradu u noqon lahaayeen kuwo masiirkooda siyaasadeed ka talin kara.
Arrintan ayuu ku xeeriyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta doorashooyin toos ah oo dalka laga qabto.
Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir, ururrada dhallinyarada, iyo marti sharaf kale.




