RW Xamsa oo ka hadlay Maalinta Caalamiga ee Helitaanka Macluumaadka

0

Muqdisho, Somalia – Iyadoo caalamka looga dabaal-dagayo Maalinta Caalamiga ee Helitaanka Macluumaadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, wuxuu soo warsaxaafadeed ku aadan sida ay Xukuumadiisa u go’aan qaadatay arrimaha hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo ka qaybgalka bulshada ee maamul wanaagga.

 

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Macluumaadka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in helida macluumaadka ay tahay mid awood u siinaysa muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in helitaanka macluumaadka uu yahay mid aasaasi u ah horumarinta sinnaanta bulsho iyo in ay lagama maarmaan u tahay xoojinta maamul dawladeed oo dimuqraadi ah.

“Anagoo raacayna Sharciga Ururka Midowga Afrika ee ku saabsan Helitaanka Macluumaadka iyo Dastuurkeenna Kumeelgaarka, dowladda Soomaaliya waxay si go’aan leh u waddaa sharciyo hubinaya in macluumaadka si sahlan uu u heli karo qof kasta oo Soomaali ah,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Barre.

Wuxuu xusay in sharcigani uu ujeedadiisu tahay in la fududeeyo habraacyada, si muwaadiniintu u helaan macluumaad muhiim ah oo saameyn ku leh noloshooda.

Isagoo sidoo kale ka hadlaya aragtida bulsho, ayuu yiri, “waxaan awood u siinaynaa muwaadiniinteena inay si macno leh uga qaybqaataan horumarka dalkooda,” isagoo xusay muhiimadda ay leedahay Dowladdu dhageysato baahiyaha iyo rajada dadka.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxay shaqaynaysaa si loo dhiso dhaqanka hufnaanta, iyadoo raadinaysa in ay si qoto dheer ula shaqeyso warbaahinta, ururada bulshada rayidka ah, iyo shacabka guud.

Ugu dambeyn, Mudane Barre ayaa ku baaqay in la helo iskaashi si muwaadiniinta oo dhami ay u dareemaan ka qeyb galka doorka go’aan ka gaarista mustaqbalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here